Walaac Laga Muujiyay Aqbalaadda Dalabkii ay Soo Jeediyeen Dowladaha Duulaanka Ku Jooga Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay warkii ay Jimcihii hoggaamiyeyaasha dowladaha Afrikaanta ah ee ay ciidamadoodu duullaanka ku joogaan dalka kasoo saareen shirkii lagu soo gunaanaday Kampala kagana codsadeen Qaramada Midoobay in 18 bilood loogu daro muddada duullaanka AUSSOM, ayaa waxaa soo baxaya walaacyo laga muujinayo aqbalaadda dalabkaasi qarash raadiska ah.
Mid kamid ah telefeeshannada ugu daawashada badan waddanka Kenya oo lagu magacaabo Citizen TV, ayaa warbixin lagu daabacay qaybtiisa dijitaalka ah lagu sheegay in uu jiro walaac xooggan oo falanqeeyayaal caalami ah ay ka bixiyeen aqbalaadda codsiga madaxda dowladaha ay ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya.
Sida ay warbixintu ka dhawaajisay, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in fursadaha lagu sii wadi karo duullaanka ciidamada isbahaysiga AUSSOM ay aad u yar yihiin marka la eego mowqifka adag ee Mareykanka.
Madaxa xarunta cilmi-baarista ee Amani Africa oo lagu magacaabo Solomon Dersso, ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri; “Waxaan ka shakisanahay inay jirto fursad macquul ah oo lagu sii wadi karo howlgalkan haddii aanu Mareykanku ka laaban go’aankiisa ku saabsan UNSOS,”
Sidoo kale warbixintu waxay soo xigatay diblomaasi sare oo ka tirsan Midowga Afrika, kaas oo wakaaladda wararka AFP u sheegay in go’aanka dowladda Maraykanku ay ku dhawaaqday uu u muuqdo mid aan dib looga noqon karin.
Citizen Digital wax kale oo ay ka shanqarisay in Midowga Afrika kaligiis uusan awoodi karin inuu daboolo dhammaan kharashaadka howlgalka duullaanka gardarrada ah ee ciidamada shisheeye ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Xarunta cilmi-baarista ee Balqiis, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, oo warbixintu soo xigatay ayaa iyaduna sheegtay in kharashaadka duullaanka ee UNSOS ay sanadkan gaareen Nus Bilyan Doollar, taasoo saddex jeer ka badan miisaaniyadda AUSSOM.
Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika oo Citizen Digital ay soo xigatay ayaa isna yiri; “Midowga Afrika xal ma hayo, runtiina ma jirto doorasho kale oo aan ka ahayn in duullaanka Midowga Afrika la soo afjaro ka hor inta aan la xirin UNSOS, haddii kale waxaan wajihi karnaa xaalad aan xitaa aan awoodi kari wayno inaan ku daad-gureyno ciidamadeenna Soomaaliya.”
Falanqeeye ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee magaciisa loo soo gaabiyo ISS, oo isaguna afka furtay ayaa sheegay in haddii ciidamada shisheeye baxaan ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegi doonto Soomaaliya, sidii Imaarada Islaamiga ah ula wareegtay Afganistan.
Maalin ka hor ayay ahayd markii xarunta Uganda ee Kampala lagu soo gebogabeeyey shir socday muddo saddex cisho ah kaas oo dalalka Afrikaanta ee ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya kasoo saareen codsi ay doonayaan in muddo ku dhow labo sano loogu daro duullaanka ciidamada shisheeye ay ku joogaan dalka.