Weerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askarta Maamulka la Baxay Jubbaland oo ka Dhacay Jubbada/hoose.

0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar kamiin ah u dhigeen, askar katirsan maamulka la baxay Jubbaland oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka Jubbada/hoose.

Weerarkaan ayaa waxaa si gaar ah ciidanka maamulka la baxay Jubbaland lagula beegsaday duleedka deegaanka Biibi ee hoostaga degmada Afmadow.

Inta la xaqiijitay laba askari ayaa maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo looga dilay weerarkaan, halka looga dhaawacay saddax kale.

Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin, deegaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Kutulow ee gobalka Mandheera ee ku hoosjira gumeysiga dowladda Kenya.

Illaa iyo hadda ma aynan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ciidanka Kenya ku gaaray weerarkas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.