Yahuudda oo Quus ka Muujisay Qorshaha Hubka Dhigista Ururka la Magacbaxay Xisbullaah.

0

Dowladda ka jirta dalka Lubnaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay karkarinayay, qorshe hub ka dhigis ka dhan ah ururka la magacbaxay Xizbullaah ee gacansaarka la leh Iiraan.

Taliyaha guud ee ciidamada Yahuudda, Eyal Zamir, ayaa sheegay, in aan hubka looga dhigi karin Xisbullah heshiis lala galo dowladda Lubnaan, oo u ku tilmaamay, mid taag daran oo aan ciidamo haysanin.

Taliyaha Ciidamada Yahuudda ayaa ku baaqay, in marka hore si weyn loo xoojiyo awoodda iyo waxqabadka ciidamada Lubnaan si ay dalka ugala wareegan ururka isugu yeero Xizbullaah ee caqabadda ku ah Yahuudda.

Waxa uu sidoo kale taliyaha ciidamada Yahuudda sheegay, in hub-ka-dhigista ururka Xisbullah oo qayb ka ah heshiis lala galo dowladda Lubnaan “aanay suurtagal ahayn haddii aan ciidamada Lubnaan si muuqata loo xoojin waxqabadkooda dhulka”.

Taliyaha guud ee ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijiyay, in Xizbullaah ay dib u dhisayso awoodeeda, isagoo ku goodiyay islamarkaama yiri: “Uma oggolaan doonno inay dib u dhisato awooddeeda ama dib u cusboonaysiiso kaabayaasheeda.”

Dhankiisa Madaxweynaha Lubnaan Joseef Cown ayaa sheegay, inuu wali wado qorshahii ay u dirtay Yahuudda ee ahaa, in hubka lagu soo koobo gacanta dowladda “iyadoo aan iska horimaad lala gelin” ururka Xisbullah.

Yahuudda iyo Dowladda Lubnaan ayaa wada-hadallo uu garwadeen ka ahaa Mareykanka horay u yeeshay, iyagoo  26-kii Juun ee la soo dhaafay kala saxiixday heshiiska si gaar ah u dhigayay, in hubka laga dhigo Xisbullah, Yahuuddana ay si tartiib-tartiib ah uga baxdo dhulalka ay ka haysato koonfurta Lubnaan, halka ciidamada Lubnaan la geeyo goobaha ay askarta Sahaayinadu ka baxaaan.

Maamulka Yahuudda ayaa jebiyay dhamaan qodobadii heshiiska isagoo sare u qaaday duulaannadiis ka dhanka ah dhulka Lubnaan iyo duqeymaha cirka ah, taas badalkeeda waxa uu Dowladda Lubnaan ku cadaadinayaa, qorshaha hubkadihiska ururka la magacbaxay Xuzbullaah.

Horay hogaanka ururka la baxay Xizbullaah ayaa ku goodiyay, inaysan hubkooda dhigaynin islamarkaana ay dagaalka ka xigaan, waxaana muuqata, in Yahuudda iyo Lubnaan ay ku fashilmeen qorshahaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.