Kooxda Xuutiyiinta ee Yaman oo Duqeymo ku Beegsaday Warshad Saliid oo ku Taalla Dalka Sucuudiga.

0

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen warshad sifaysa saliidda oo ay leedahay shirkadda Aramco, taas oo ku taalla magaalada Jazan ee koonfurta dalka Sacuudiga.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa soo xigatay ilo militari oo kooxda ka tirsan, kuwaas oo sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, iyada oo lagu tilmaamay inuu ahaa jawaab ay Xuutiyiintu ka bixiyeen xadgudyada dhinaca hawada ah ee ay reer Aala Sucuud ka waddo gobollada Sacda iyo Xajjah ee waqooyiga Yemen.

Sida ay Xuutiyiintu sheegeen, weerarka ayaa si toos ah u gaaray bartilmaameedkii loogu talagalay. Ilaa hadda, ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarka ama xaaladda warshadda la beegsaday.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii Xuutiyiintu ay sheegeen inay badda Cas ku weerareen markab dagaal oo uu laayahay Sacuudiga iyo afar doonyood oo milatari oo la socday, iyaga oo sheegay inay u adeegsadeen gantaallo ballistic ah.

Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah kororka weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Sacuudiga iyo kuwa ku yaalla Badda Cas, iyada oo kooxdu ay sheegtay inay weerarradan jawaab uga bixinayso duqeymaha iyo xadgudubyada ay ciidamada Sacuudiga iyo xulafadoodu ka wadaan gudaha Yemen.

Leave A Reply

Your email address will not be published.