Xaaladda dhaqaale Xumo ee Ciidamada Shisheeye oo Noqotay Mid ka Sii Dareysa Marba marka ka Dambeysa.
Waxaa magaalada Adis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya oo ay ku taallo xarunta Midowga Afrika si isdabajoog ah uga dhacaya, shirar dhexmaray Shisheeyaha ku soo duulay Soomaaliya ee ay ciidamadu ka joogaan iyo Dowladda Fedaraalka.
Kulamadan ayaa midba midka ka dambeeya waxa uu noqday mid rejo beel iyo quus ku ah xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo ay talo faraheeda ka baxday, waxaana la maareyn la’yahay xaaladda dhaqaale xumo ee soo wajahday Shisheeyaha Afrikaan ah ee duulaanka ku jooga dalka, oo la la’yahay cid dusha u ridada qarashaadkii ay ku sii joogi lahaayeen Soomaaliya.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Adis Ababa kulan ku yeeshay Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf iyo madaxa duulaanka ciidamada Shisheeye magaciisa loo soo gaabiyo AUSSOM, waxayna noqotay natiijada ka soo baxday in la isla qaatay in Dowladda Fedaraalka lagu wareejiyo amaanka goobaha ay askarta Shisheeye ka joogaan dalka, maadaama ay adag tahay in dhaqaale uu sii socdo duulaankan socda muddo ku dhaw labaatan sano.
Dowladda Fedaraalka oo lafteeda looga yeeray Adis Ababa kahor shirkan dhacay saacadihii la soo dhaafay, ayaa lafteeda si cad loogu sheegay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay iney isku filnaadaan amnigoodana la wareegaan.
Guud ahaan Shisheeyaha ku soo duulay Soomaaliya oo ay ku jiraan waxa loogu yeero Beesha Caalamka ayaa ka rejo ddhdigay in ay sii wadaan duulaankooda Soomaaliya, waxayan haatan ka fakarayaan iney meelo kale u wareegaan, soona afjaraan kaalamada ay siiyaan Dowladda Fedaraalka oo ay u arkeen iney tahay mid aan natiijadii ay ka rabeen soo saarin.
Arrintan sida gaar ah u xanuujisay shisheeyaha kuna kaliiftay iney quustan muujiyaan ayaa ah, inuu ka baxay dhaqaale xadhaaf ah hadane aysan maanta haynin wax natiijo ah oo ay taaban karaan oo ah sidii ay rabeen iney Soomaaliya noqoto, waxayna taa bedelkeeda arkaan, maamulladii ay ku tiir iyo tacab beeleen oo wali ka dhamaan la’ khilaafyo iyo isqabqabsi dhexdooda ah.
Isku soo wada duuboo xaaladda ay haatan ku sugan tahay Dowladda Fedaraalka ayaa ah midd reji beel ah, waxayna indhaheeda ku aragtaa iyadoo laga quustay laga rejo dhigay in la sii taakuleeyo laguna waardiyeeyo ciidamo Shisheeye si ay usii jirto.