Faahfaahin Laga Helayaa Markab Sitay Calanka Tanzaaniya oo Dhawaan Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya.

0

Wararka naga soo gaarayo xeebaha Bari ee Soomaaliya ayaa ku warramaya, in markab ganacsi oo todobaad ka hor laga afdubtay Gacanka Cadbeed loo leexiyay dhanka biyaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegey MT Asana, ayaa sitay calanka wadanka Tanzaaniya, wuxuuna ahaa nooca qaada shidaalka iyo kimikooyinka, wakaaladda wararka ee Reuters ayaana sheegtay in ay markabkan saaran yihiin 20 ruux oo ka shaqenayay, kuwaas oo ka soo kala jeeda Jarmalka, Filibiin iyo wadamo kale.

Hay’adda dhanka ganacsiga badaha u qaabilsan UK ayaa horay u xaqiijisay afduubka Markanbkaan, kadib marki ay war ay soo saartay ku sheegtay, in markabka isaga oo marayo Gacanka Cadmeed ay fuleen rag aan heebtooda la garan, xilli dambana ay ogaadeen kooxdaasi afduubatay Markabka.

Dadka ku sugan degaanno ka tirsan gobolka Bari ayaa wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay, in ay arkeen rag hubeesan oo cunto u sii wada dhanka markabka, taasoo xaqiijisay in markabka uu ku sugan yahay xeebaha soomaaliya.

Si kastaba markabkaan ayaa noqonayo markabkii Afaraad oo ay afduubtaan kooxo hubeesan bishaan gudaheeda , waxaana ay horay xeebaha gobollada Bari iyo mudug loogu heystay saddax markab, kuwaas oo kooxah gacanta ku haya dalbadeen lacag madax furasho ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.