In ka Badan 20 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqotay Qarax ka Dhacay Dalka Kenya.

0

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay magaalo katirsan dalka Kenya, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 20 ruux.

Ugu yaraan saddax ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen 22 kalana ay ku dhaawacmeen, booyad shidaal oo ku qaraxday wadada Eldoret-Turbo ee gudaha dalka Kenya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafadda u sheegay, in badi dadka ku waxyeelloobay dhacdadaan ay isku dayeen iney shidaal ka boobaan booyada kadib markii uu qaraxu dhacay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa booyaddaan shidaal ee ku qaraxday dalka Kenya, dhacdooyin nuucaan lamid ah yaana horay looga soo tabiyay gudaha dalkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.