Yahuudda oo in ka Badan 60 Ruux oo Falastiiniyiin ah ka Qafaashay Daanta-Galbeed.

0

Aroornimadii maanta waxay markale ciidanka gumeysiga Yahuudda weeraro ballaaran iyo howlgallo qafaal ah ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo katirsan Daanta-galbeed.

In ka badan 64 ruux oo kamid ah Muslimiinta Falastiin ayay Yahuuddu ka qafaasheen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla magaalooyinka Nabulis iyo Al-Khaliil, halka ay u dhaceen guryo badan kuwa qaarna ay burbur ugeysteen.

Mid kamid ah deegaannada ay qafaalka ka sameeyeen Yahuudda oo ku yaalla magaalada Nabulis ayaa waxay shalay Sahaayinadu ku dishay afar ruux oo Falastiiniyiin ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.