Ku Dhawaad 10 Ruux oo ku Geeiyootay Shil Gaari oo ka Dhacay Dhulka Soomaali-Galbeed ee ay Gumeysato Itoobiya.
Muddo ka yar 48 saac waxaa dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Itoobiya ka dhacay, shilkii saddaxaad uguna khasaaraha badan ee laga soo tabiyay dhulkaas.
Habeenkii xalay waxaa shil gaari oo geystay khasaare xooggan uu ka dhacay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-galbeed, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan todobo ruux.
Shilka ayaa yimid kadib markii gaari Xamuul ah uu isku maray dhowr maqaaxi, kuwaas oo ku yiillay dhinaca wadada.
Illaa saddex maqaaxi oo ku yiillay magaalada Jigjiga ayuu dhex qaaday isamarkaana burburiyay gaariga xamuulka ah, waxaana xilligii uu shilku dhacayay goobta ku sugnaa dad badan.
Dadka ku dhintay shilka ayaa intooda badan hilbahoodu go’go’een, waxaana xusid mudan in gaariga laga soo saaray ilmo yar oo ka badbaaday shilka.
Gaariga oo xawaare sare leh ku socday ayaa waxa uu ka baxay wadada, taas oo sababtay inuu gudaha ugalo madaaxiyaha ku yillay wadada dhinaceeda.
Waa shilkii labaad ee ugu khasaaraha badan islamarkaana muddo todobaad gudihiis ah ka dhaco dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya, saddex maalmood kahor ayay aheyd markii shil gaari oo ka dhacay magaalada Qabri-bayax ee dhulka Soomaali-galbeed ay ku geeriyoodeen 12 ruux, halka xabaal wadareed loo sameynayay dadkaas oo soo dumayna ay ku nafwaayeen saddex ruux oo kale.