Puntland iyo Jubbaland oo Digniin u Diray Maraakiibta Turkiga ee Boobka ka Wada Badda Soomaaliya.
Wasiirrada Kalluumeysiga ee maamullada la baxay Puntland iyo Jubballand ayaa waxay si iskumid ah uga soo horjeesteen, hishiis ay Dowladda Fedaraalka sheegtay inuu dhaqan galay oo ay la gashay Turkiga, kaas oo laga fulinayo dhammaan xeebaha dalka.
Hishiiskaan oo ay Dowladda Fedaralka Turkiga ugu gacan galisay dhammaan kheyraadka badaha ee Soomaaliya, ayaa waxaa si rasmi ah uga horyimid labadaan maalmul oo dagaal kula jirta xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Maxamed Cabdiqaadir Saalax (Doonyaale) oo ah Wasiirka Kalluumeysiga ee maamulka la baxay Puntland ayaa ganafka ku dhuftay hadalka kasoo baxay Dowladda Fedaraalka ee ay hishiiska kula gashay Turkiga, isagoo sheegay iney tallaabo ka qaadi doonaan markab kasta oo kusoo xad-gudba xeebaha deegaannada ay ka arrimiyaan.
Dhankiisa Wasiirka Kalluumeysiga ee maamulka la baxay Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa ka shanqariyay, in su’aalo badan ay dul hoganayaan hishiiska ay Dowladda Fedaraalka Turkiga ugu beylihineyso kheyraadka dalka.
Wuxuu sheegay in sharikadda Turkiga ee hishiiska lala galay ay ka shaqeyso sidii lacago loogu uruurin lahaa ciidamada howlgabka ah ee Turkiga, sidaas darteedna ay wax lala yaabo tahay in sharikad millatari ay ka shaqeyso arrimo la xiriira kaluumeysiga.
Tani ayaa muujineysa sida ay Dowladda Fedaraalka uga go’an tahay in ay Turkiga ugu gacan galin galiso guud ahaan kheyraadka dalka, waxaana siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in hishiiskaan ay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ku dooneyso sidii ay Turkiga kaga heli laheyd ilaalinta amnigeeda, maadaama ay reer-galbeedka ee uu Mareykanka ugu horreeyo dhaqaalaha ka jaranayaan duullaanka shisheeye ee dalka lagu soo qaaday, xukuumadda Muqdishana ay hadda wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah.