Masuul ka Tirsan DF oo Weerar Afka ah ku Qaaday Hogaamiyaha Maamulka La Baxay Puntoland.

0

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah Waziirka Arimaha Gudaha ee Dawlalada Fadaraalka ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday Hogaamiyaha maamulka labaxay Puntoland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoona ku eedeeyay dhamaan xiisadaha ka taagan maamulkaasi in uu asga sabab u yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegey in Dani uu fagaarayaasha la taagan yahay hadalo xanaf leh oo abuuraya kala qeybsanaan marin habaabin iyo jahwareer, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Qoraal uu ku soo daabacay baraha Intarneedka ayuu cali Xoosh si toos ah ugu weraray Deni, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay hogaamiye ku fashilmay maamulkiis.

“Dhibaatada Puntland ka taagan waa cillad ka imaaneysa hogaan-xumada, shaqsiyadeenta iyo ku takrifalka dawladnimada Puntland” ayuu qoraalkiis ku yiri Cali Xoosh.

Sidoo kale Waziirka arimah Dibada ee Dawlada Fadaraalka waxa uu Saciid Cabdullaahi Dani ku tilmaamay, in uu boob siyaasadeed ka wado gudah maamulkaas, shacabka ku dhaqan degaanadaasna uu kala qeybiyay, qori caaradiisana uu adeegsanayo Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkaan ka soo baxay Waziirka Arimaha Dibada ee Dawalada Fadaraalka Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili ay sii xoogesanayaan, Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeyo Xukuumada Fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Maamulka looga arimiyo Garowe ee ay kala hogaaminayaan Xasan Sh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Leave A Reply

Your email address will not be published.