Mid Kamid ah Hogaamiyayaasha Mucaaradka oo Sheegay in Aysan Jirin Awood ay DF Kaga Hortagi Karto Al-Shabaab.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah hogaamiyayaasha Mucaaradka ee Dowladda Fedaraalka oo ka qeyb galayay dood lagu falanqeynayay masiirka xukuumadda Muqdisho ayaa ka hadlay, xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay wajahayaan.
Waxa uu sheegay in aysan jirin awood ay Dowladda Fedaraalka u leedahay iney kaga hortagto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii ay ciidamada shisheeye isaga baxaan guud ahaan dalka, ayna ka fogeyn wixii ka dhacay Afghaanistaan oo kale.
Wuxuu intaas ku daray in adduunku uu hadda is badalay, islamarkaana aan la joogin waqtigii ay shisheeyuhu lacagaha ku bixinayeen duullaannada dalal kale, kuwa sheegta quwadaha caalamkana ay doonayaan burburinta dowlado jira.
Hadalka kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli wali ay calaama su’aal dul hoganeyso ciddii maalgalin laheyd duullaanka ay ciidamada shisheeye ka wadaan Soomaaliya, kadib markii uu Mareykanku sheegay inuu gabi ahaanba dhammaanka sannadkaan jari doonto taageeradii uu ku bixin jiray duullaankaas.