Maxaan Kala Soconnaa Dhibaatooyinka ay Wajahayaan Muslimiinta Rohinga? [Warbixin]
Xaalada murugsan ee ay la noolyihiin dadka muslimiinta Rohinga ayaa kasii daraysa, waxayna si maalinle ah u wajahayaan duruufo nololeed oo aad u adag, isla markaana ay usii dheertahay gumaadka iyo gaboodfalada kaga imaanaya xukumada Mayanmaar, taas oo ku kaliftay in malaayiin muslimiin Rohingiyaan ah ay usoo qaxaan dalka Bangaladhes.
Rohingya ayaa ah qowmiyad Muslimiin ah oo kasoo jeeda dalka Myanmar, Boqolaal kun oo ka mid ah ayaa u qaxay Bangladesh tan iyo sanadkii 2017-kii, kadib olole barakicin ballaaran oo ka dhashay xasuuq ka dhacay gobolka Rakhine ee dalka Mayanmar. Hadda in ka badan 1.2 milyan oo qaxooti Rohingya ah ayaa ku nool xeryaha qaxootiga ee Bazar ee dalka Bangaladhesh, barakacan ayaa kamid ah dhibaatooyinka qaxootinimo ee muddada dheer socday ee ugu weyn dunida.
Halkaan Ka Degso Warbixin Dhibaatooyinka_Isbiirsaday_ee_ay_Wajahayaan Muslimiinta Rohinga.