Askar Lagu Dhaawacay Qarax ka Dhacay Afgooye iyo Ciidamo Lagu Jabiyay Duleedka Deyniile.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay maanta weeraro kala duwan ka fuliyeen goballada Sh/hoose iyo Banaadir, kuwaas oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Haddaan ku horreyno Sh/hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta weerar qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaas.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askarta Dowladda Fedaraalka, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar askari.
Dhanka magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta weerar culus la beegsadeen, kolonyo katirsan askarta Dowladda Fedaraalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Deyniile.
Dagaal kooban kadib, waxaa halkaas lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka iyagoo firxaday, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare la gaarsiiyay ciidankaas.