Dowlada Suudaan oo Sheegtay in ay Soo Ridday Diyaarad Daroonis ah oo ka Timid Dhanka Itoobiya.

0

Xukuumadda Al-Khardhuum ayaa sheegtay, in ay soo ridday diyaarad daroon ah oo ay leedahay dowladda Itoobiya, tasoo dul heehaabeysay hawada gobolka Baluu-neel ee dhaca xadka ay wadaa gaan Sudaan iyo Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda dagaalka ee dowlada Suudaan ayaa waxaa lagu sheegey, in diyaaradaan ay ka timid dhanka wadanka Itoobiya, waxayna intaasi sii raacisay in ay ciidamadeeda ku guuleysteen, iney dhulka soo dhigaan xili ay mareysay hawada gobolka Baluu-neel.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Adis Ababa oo ku aadan eedeymahaan loo jeediyay iyo diyaarada daroonista ah ee ay Suudaan sheegatay in ay ka soo riday dowladda Itoobiya.

Waxaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanaya khilaafka udhaxeeyo labadan dowladood ee Suudaan iyo Itoobiya, waxa ayna midaan imaaneysaa xili dowladda Itoobiya ay wajaheyso dagaallo jihooyin kala duwan kaga imaanayo, iyo dagaallo sokeeyo oo ka socoda gudah dalkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.