Jabhadaha Faano iyo TPLF oo Qorsheynaya Inay Yeeshaan Isbahaysi Millatari oo ka Dhan ah Itoobiya.

0

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ay jiraan wada-hadallo socda oo ku saabsan suurtagalnimada in Jabhadda Fano iyo Jabhadda TPLF ay sameystaan isbahaysi millatari oo ay si wadajir ah ula dagaallamaan dowladda federaalka Itoobiya, xili ay sii xoogaysanayaan dagaallada ka qarxay Waqooyiga dalkaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay ka wada hadlayaan iskaashi dhinaca amniga iyo ciidamada ah, iyada oo ujeeddadu tahay in la mideeyo awooddooda millatari haddii ay xaaladda dalka sii cakirnaato.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis kama dambeys ah, haddana wararka soo baxaya ayaa muujinaya in uu socdo xiriir iyo wadatashi udhexeeya labada dhinac.

Haddii isbahaysigan uu hirgalo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee Waqooyiga Itoobiya, maadaama Fano iyo TPLF ay horay ugu kala aragti duwanaayeen dagaalkii Tigrayga, balse hadda waxaa la hadal hayaa surataglnimada inay yeeshaan iskaashi cusub oo ay uga hortagayaan Xabashida Itoobiya oo dhamaantood dagaal adag kula jirta.

Warbixinno la xiriira arrintan ayaa sidoo kale xusaya in labada dhinac ay dan guud ka arkaan cadaadiska ay kala kulmayaan Addis Ababa, taas oo keentay in la eego suurtagalnimada iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed.

Hayeeshee illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya, TPLF ama hoggaanka Fano oo xaqiijinaya in heshiis rasmi ah la gaaray, inkasta oo wararka ku saabsan wada-hadallada iyo isku soo dhowaanshaha labada dhinac ay si weyn u soo shaac baxayaan.

Falanqeeyayaasha Itoobiyaanka ah ayaa Isbahaysigan ku tilmaamay mid wax kabadali doona hanaanka dagaal ee Itoobiya, Addis Ababana ay wajihi doonto dagaal kaga yimaada jihooyin badan, waxaana sidoo kale jabhadahan taageerro xooggan siinaysa dowladda Eratariya oo loolan siyaasadeed kula jirta Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.