Askar ka tirsan kuwa Uganda iyo Dowladda Fedaraalka oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerarro Ka Dhacay Sh/Hoose.

0

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xeryo ay askarta shisheeye ee Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmo katirsan gobolka Sh/hoose.

Xeryaha lagu weeraray ciidankaan ayaa ku yaalla gudaha degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 10 askari.

Weerarka lagu ekeeyay xerada ciidanka Uganda waxaa lagu dilay ugu yaraan lix askari oo katirsan askartaas qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka, halka looga dhaawacay labo kale.

Sidoo kale weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Dowladda Fedaraalka ee degmada Jannaale ayaa waxaa lagu dilay laba askari, halka lagu dhaawacay labo kale.

Waxaa goobta soo caga-dhigatay diyaarad Helicopter ah oo daabushay meydadka iyo dhaawacyada ciidamada lagu weeraray degmada Jannaale.

Geesta kale weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Hiiraan ayaa laga helayaa tafaasiil dheeraad ah.

Qaraxa oo si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dhaawacay laba askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.