In ka Badan 1,000 Ruux oo Cudurka Ebola Ugu Geeriyooday Dalalka Uganda iyo Congo.

0

Dalal dhaca bariga Afrika waxaa wali faro ba’an ku haya cudurka Ebola, waxaana dalalkaas kaalinta koowaad kaga jira Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo, iyadoo lasoo warinayo in tirada dadka uu cudurkaan ku dilay Congo iyo Uganda ay kor u dhaaftay 1,000 ruux.

Congo, waxaa sare ukacay tirada dadka u dhintay cudurka Eblola, iyadoo tirakoob kasoo baxay hey’adda sheegata caasimaadka adduunka iyo xukuumadda dalkaas lagu sheegay, in tirada dadka u dhintay xanuunkaan ay gaartay 999 ruux.

Waxaa intaa dheer oo ay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo shaacisay, in ay sidoo kale sare u kacday tirada dadka uu soo ritay cudurkaan, taas oo hadda mareysa in ka badan 2474 ruux.

Dganka Uganda, waxaa tirakoobka kasoo baxay hey’adda sheegata caafimaadka adduuunka lagu xusay, in cudurka Ebola uu gudaha dalkaas ku dilay ugu yaraan laba ruux, halka lasoo diilaan galiyay 20 ruux oo uu xanuunku soo ritay.

Tirakoobyada ayaa sidoo kale tibaaxaya in 50-kii sano ee lasoo dhaafay uu cudurka Ebolka qaaradda Afrika ku dilay in ka badan 15,000 oo ruux.

Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam, horey ayuu inoogu sheegay iney imanayaan cudurro halis ah oo aaney ummadihii hore aqoon, sababtuna waa faaxishada oo faafta. Maanta waxay xaaladdu mareysaa in dalalkii shishe iska dhaafe, kuwii muslimiinta lagu dhex faafiyo faaxisho nooc kasto ah, qof ka dhiidhiyaana uu iska yar yahay.

Dadka Muslimiinta ah waxay cudurrada halista ah uga badbaadi karaan iyagoo fawaaxishta iska diida, Alle-na u towbad keena, haddii kale fitnada iyo xanuunadu wey saamaynayaan dalka oo dhan, sidaba ay horay ugu taliyeen culimada iyo aqoonyahanka bulshada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.