Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa Si Wada Jir ah Duqaymo Uga Fuliyay Gudaha Dalka Ciraaq.

0

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay fuliyeen weerar lagu beegsaday saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin gobolka, isla markaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan, iyaga oo sheegay in tallaabadaasi ay jawaab u ahayd cadaadiska iyo weerarrada sii kordhaya ee ka dhanka ah Tehran.

Isla waqtigaas, Mareykanka iyo maamulka reer Aala Sacuudi ayaa si wadajir ah duqeymo uga fuliyay gudaha Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen ciidamo ay taageerto Iiraan.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii ay soo kordheen weerarada isdaba joog ah ee maalmihii u dambeeyay lagu qaaday ciidamada Mareykanka iyo danaha Sacuudiga. Tallaabadan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo in Ciraaq ay mar kale noqoto goobta ugu weyn ee isku dhacyada u dhexeeya Mareykanka, xulafadiisa iyo kooxaha ay Iiraan taageerto.

Leave A Reply

Your email address will not be published.