Ciidamada Kenya oo Burburiyay Goob Ganacsi oo uu Lahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo Ku Taalla Nayroobi.

0

Nin Soomaali ah oo ganacsi ku lahaa dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi ayaa sheegay in goobtiisii ganacsi la burburiyay, isla markaana la gaarsiiyay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh.

Makhaayadan oo ku taalla magaalada Nayroobi gaar ahaan xaafada Langanta ayaa la burbur, wuxuuna sheegay ninkii iska lahaa in falkan guracan ay qayb ka ahaayeen Ciidamada Booliiska, isla markaana dagaal kula jira ganacsayada ay leeyihiin dadka aan Kenyaanka ahayn.

Ninka ganacsadaha ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in booliska xaafaddaas, gaar ahaan qaybta loo yaqaano OCS-ka, uu ku lug lahaa dhibaatada loo geystay goobtiisa ganacsi, wuxuuna sheegay in makhaayadiisa oo horay loo burburiyay mar kale ay kusoo laabteen burcad hubaysan oo ay dhulka la simeen musqulihii makhaayada.

Soomaalida Ganacsatada ah ee Kenya ka shaqaysta ayaa ka cabanaya tacadiyada joogtada ah ee ay kala kulmayaan ciidamada Booliiska ee dalkaas iyo kooxaha burcadka ah. Arrintan ayaa ku biiraysa falal kala duwan oo lagu afduubtay ganacsato Soomaali ah, iyada oo qaar kamida maydadkooda laga helay goobaha qashinka lagu qubo, halka qaar kalana wali la layahay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.