Maamulka Puntland oo DF ku Eedeeyaay in ay Hub ku Daabuleyso Magaalo ka Tirsan Dhulka uu Ka Arrimiyo Maamulkaas.
Wasiir ku xigeenka Amniga maamulka la baxay Puntland, ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo wareysi siinayay warbaahinta, ayaa Dowladsa Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay falal amni darro ah ka wado deegaannada uu gacanta ku hayo maamulkaas.
Dujaana ayaa waxa uu sheegey in Dowladda Fedaraalka ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug soo gelisay hub tiro badan, isagoo tilmaamay in ay cadeyn buuxda u hayaan arrintaasi, tallaabo degdeg ahna ay ka qaadidoonaan COD.
Dowladda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa illaa iyo hadda ka hadlin eedeymaha uu u jeediyay maamulka la baxay Puntland , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay xafiisyada dowladda Xasan Sheekh.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku sii shareerayay d siyaasadeed ee u dhaxeeyo Villa Soomaaliya iyo maamulka Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo mararka qaar uu dhacayay gacan ka hadal dhaxmara labada dhinac.
Waxaa xusud mudan in maalmo ka hor ay degaanka Laag ee hostaga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari uu ka dhacay, dagaal dhaxmaray ciidamo ka tirsan maamulka la baxay Puntland iyo kuwa taabacsan Dowladda Fedaraalka.