Dhibaato Intee La Eg Ayey Reer Suudaan Ku Qabaan Helitaanka Adeegyada Caafimaadka? [WARBIXIN]

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Insikiirati Insayt ayaa muujisay in colaadda ka socota Suudaan ay saameyn ba’an ku yeelatay adeegyada caafimaadka, iyada oo tan iyo markii dagaalku billowday bishii Abriil 2023-kii ilaa 9-kii Juun 2026-kii la diiwaangeliyay ugu yaraan 768 weerar ama carqaladeyn oo loo geystay xarumaha caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka iyo adeegyada caafimaad ee dalka.

Warbixintu waxay sheegtay in in ka badan laba-meelood saddex meel weerarradan lagu eedeeyay ciidamada jabhada RSF, kuwaas oo si joogto ah loola xiriirinayo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha caafimaadka iyo shaqaalahooda. Intii lagu jiray muddadaas, waxaa la dilay 213 shaqaale oo ku hawlanaa gargaar caafimaad, halka 15 kale la afduubtay, sidoo kale 129 shaqaale oo dhanka caafimaadka ah ayaa la xiray. Waxaa intaa dheer, xarumaha caafimaadka ayay waxyeello soo gaartay ugu yaraan 218 jeer, taas oo sii wiiqday awoodda nidaamka caafimaadka ee dalka.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay magaalada Nyala ee gobolka Koonfurta Daarfuur, halkaas oo laga diiwaangeliyay 42 dhacdo oo saameeyay adeegyada caafimaadka. Magaaladaas waxaa 23-kii Juun 2026-kii si rasmi ah loogu dhawaaqay faafitaanka cudurka daacuunka, kadib muddo dheer oo amni daro iyo faafitaanka cuduro halis ah ay isku raaceen dadka deegaanka.

Intii lagu guda jiray dhacdooyinkaas, 13 jeer ayaa la weeraray ama la burburiyay xarumo caafimaad, waxaana la dilay illaa 4 shaqaale, sidoo kale waxaa la xiray illaa 30 shaqaale.  Hay’addu waxay sheegtay in weerarradan isdaba joogga ah ay si weyn u daciifiyeen awoodda nidaamka caafimaadka ee deegaanka, taas oo yaraysay adeegyada caafimaad, dabagalka cudurrada faafa iyo tallaabooyinka looga hortago faafitaanka xanuunada halista ah.

Hay’adda diyaarisay Warbixintan ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo ilaaliyo xarumaha caafimaadka, shaqaalaha iyo bukaannada, iyada oo sheegtay in arrintaasi ay muhiim u tahay la dagaallanka cudurka daacuunka iyo hubinta in shacabka rayidka ahi ay helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin. Hay’addu waxay sidoo kale xustay in xogta ay ururiso si joogto ah loo cusbooneysiiyo toddobaad kasta, isla markaana dhacdooyin cusub lagu dari karo marka la helo xog dheeraad ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in degmada An-Nahuud ee gobolka Galbeedka Kordofaan laga soo sheegay xaalad caafimaad oo halis ah, iyada oo adeegyada caafimaadka ay ku dhow yihiin inay gebi ahaanba istaagaan. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah: sida ay warbixintu cadaysay maqnaanshaha shaqaale Caafimaadka, Daawooyin yari ka dhalatay hakadka ku yimid silsiladaha sahayda iyo Burburka inta badan kaabeyaashii rayidka ee isbitaallada.

Magaalada An-Nahuud waxaa gacanta ku haya ciidamada RSF tan iyo 1-dii May 2025-kii, waxayna warbixintu sheegtay in xaaladda amni ee halkaas ka jirta ay si weyn uga sii dartay xaaladda caafimaadka ee shacabka.

Dhanka kale, hay’adda Insikiriti Insayt waxay ka digtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay noqdeen khatar sii kordheysa oo ku wajahan howlaha bani’aadannimada iyo adeegyada caafimaadka ee goobaha colaadaha. Hay’addu waxay xustay, in adeegsiga daroonisku ay si weyn ugu faafayso dagaallada casriga ah, taas oo ku qasbaysa hay’adaha gargaarka iyo kuwa caafimaadka inay dib u eegaan qorshayaashooda amniga.

Waxay soo saartay hagitaanno ku saabsan sidii looga badbaadi lahaa weerarrada drones-ka, kuwaas oo lagu heli karo qaabab kala duwan, iyada oo lagu saleynayo waayo-aragnimo laga soo qaatay goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka noocan oo kale ah sida dalka Myanmar oo ay dhibaata tan lamida dareemayaan muslimiinta Rohinga.

Warbixinta ayaa ugu dambeyn ku baaqday in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Suudaan ay ilaaliyaan xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha rayidka, si loo yareeyo khasaaraha bani’aadannimo ee sii kordhaya.

Hay’ad kale oo magaceeda loosoo gaabiyo (MSF) ama Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ayaa ka digtay in magaalada Cubayd oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofaan ee Suudaan, ay wajahayso xaalad bani’aadannimo oo aad u daran, kadib markii ay sii xoogeysteen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droniska, kuwaas oo si joogto ah u beegsanayay magaalada iyo nawaaxigeeda.

Warbixin ay soo saartay Hay’adan ayaa Sheegtay, in kooxo ka tirsan hay’addu ay booqdeen magaalada Al-Cubayd oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta jiidda hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 500 kun oo qof, isla markaana ay hoy u noqotay in ka badan 100 kun oo qof oo barakacayaal ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda deegaanno kale oo dalka ka tirsan.

Isuduwaha gurmadka degdegga ah ee Hay’ada ayaa sheegtay in weerarrada drones-ka ay sii kordhiyeen culayska saaran adeegyada aasaasiga ah, isla markaana ay sare u qaadeen qiimaha shidaalka iyo gaadiidka, taas oo adkaysay helitaanka biyo nadiif ah, hoy ammaan ah iyo adeegyada Caafimaadka ee gobalka.

Hay’adan ayaa xustay in gobolka Kordofaan uu weli ka mid yahay goobaha ugu colaadda badan tan iyo markii uu dagaalku ka billowday Suudaan saddex sano ka hor. Jiidda hore ee dagaalka ayaa hadda ku dhow magaalada Al-Cubayd, iyada oo masaafo ahaan u jirta wax ka yar 40 kiiloomitir. Bishii Juun, waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa ka digtay suurtagalnimada weerar ballaaran oo ay qaadaan maleeshiyaadka RSF, kadib markii la arkay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sii kordhaya.

Sida ay muujinayaan xogaha la helayo gobolka Waqooyiga Kordofaan ayaa noqday goobta ugu badan ee weerarrada drones-ka ka dhacaan sanadkan 2026-ka, iyada oo la diiwaangeliyay ugu yaraan 141 weerar ka hor 8-dii Luulyo. In ka badan kala bar weerarradan ayaa dhacay tan iyo bishii Juun, waxaana inta badan laga gaystay magaalada Al-Cubayd iyo waddada ugu muhiimsan ee dhinaca bari ka soo gasha magaalada.

Hay’adda MSF waxay ka dhawaajisay in dadka Al-Cubayd ay ku nool yihiin cabsi joogto ah, maadaama weerarrada drones-ka aysan ku koobnayn bartilmaameedyada milatari, balse ay si joogto ah u haleelaan goobaha rayidka. Tan iyo bishii Juun, weerarradu waxay ku dhacayeen iskuullo, suuqyo, xarumo shidaal, goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarunta ugu weyn ee korontada magaalada. Burburkaasi wuxuu sababay koronto la’aan soo noqnoqotay, inkastoo qayb ka mid ah shabakadda dib loo hawlgeliyay.

Hawwnay Isuduwe ka ah gurmadka degdegga ah ee Hay’ada ayaa tiri: “Weerarrada drones-ku kuma eka bartilmaameedyada militariga. Inta badan waxay ku dhacaan goobaha ay shacabka ku nool yihiin, taasoo keenta dhimasho iyo dhaawac soo gaara rayidka.”

Warbixintu waxay sheegtay in weerarradaasi ay si weyn u saameeyeen adeegyada muhiimka ah. Inta badan xarumihii shidaalka ayaa shaqadii joojiyay, halka qiimaha halkii litir oo baasiin ah uu gaaray ku dhawaad 15 doolar, iyada oo suuqa madow uu mararka qaar ka sii sarreeyo. Dhanka kale, biyo la’aanta ayaa gaartay heer halis ah. Dad badan ayaa saacado badan saf ugu jira sidii ay biyo u heli lahaayeen, halka qiimaha foostooyinka biyuhu uu si weyn kor ugu kacay.

Magaalada Al-Cubayd waxay hadda inta badan ku tiirsan tahay biyo laga helo biyo-xireennada xilli-roobaadka iyo ceelal tiro yar oo ku yaalla magaalada. Hay’adda MSF waxay sheegtay in mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee ay booqatay, qof kasta uu maalintii helo wax ka yar hal litir iyo wax yar oo biyo ah, taas oo aad uga hooseysa baahida Caafimaadka. Waxaa sidoo kale aad u yar musqulaha, waxayna taasi sababtay in dad badan ay bannaanka ku saxaroodaan, arrintaas oo kordhin karta faafitaanka cudurrada.

Hay’adan ayaa taqriirkeeda ku xustay in xarumaha caafimaadku ay halis ugu jiraan inay xirmaan, iyada oo dadka intooda badan aysan awoodin inay bixiyaan kharashaadka daaweynta. Isbitaalladu waxay la tacaalayaan koronto yari joogto ah, waxaana halis ku jira in adeegyada ku shaqeeya korontada sida Ogsijiinka ay joogsadaan.

Sidoo kale waxaa yaraaday daawooyinka, halka gudbinta bukaannada goobaha caafimaadka ay adkaatay sababo la xiriira amni darrada iyo qiimaha gaadiidka oo sare u kacay. Hay’adu waxay sheegtay in dib u dhacyadaasi ay keenayaan in bukaannadu isbitaallada yimaadaan iyaga oo xaaladdoodu aad u liidato.

Sababaha waxaa ka mid ah kharashaadka safarka oo sare u kacay iyo cabsi laga qabo weerarrada drones-ka ee marar badan lagu beegsado waddada ugu weyn ee magaalada looga baxo. Hay’addu waxay Sheegtay, in ilaa hadda aan la arkin qax ballaaran oo dadka uga baxayaan magaalada Al-Cubayd kuna sii jeedaan gobolka Nil-ka Cad, balse haddii ay dadku go’aansadaan inay baxaan ay tahay in loo oggolaado marin ammaan ah iyo inay helaan hoy, daryeel caafimaad iyo meel ay kaga badbaadaan duqaymaha. Xaalada Suudaan ayaa maalinba maalinta ka dambaysay sii cakirmaysa waxayna dhinacyada ku dhagaalamaya dalkaas gaysanayaan xasuuqyo aysan ugu aabayeelayn maato iyo marastoon, taas oo nafta dhaafisay tobanaan kun oo dad ah.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.