Yahuudda oo Masaajid ku Gubtay Deegaanno Katirsan Daanta-Galbeed.
Sahaayinada xoogga

loogu deegaamayay dhulalka Muslimiinta ee Falastiin ayaa wali halkooda kasii wada, tacadiyaadka ka dhanka ah Muslimiinta ee ay ka wadaan deegaanno katirsan Daanta-galbeed.
Qaar kamid ah Yahuudda lagu deegaamayay Falastiin ayaa waxay gubeen laba masjid, iyagoo sidoo kale weeraray guryo ay leeyihiin dadka Muslimiinta, waxaana falalkaan barbar socday weeraro toos ah iyo qafaal ay ciidanku Sahaayinadu ka geysanayaan Daanta-galbeed.
Aroornimadii maanta ayuu dhacay falka lagu gubay masaajiddaan oo uu midkood ku yaallo koonfurta magaalada Dhul-Karam, halka kan labaadna uu ku yaallo magaalada Nabulis ee ku hoos jirta gumeysiga Yahuudda.