Iska Hor-imaadyo Horleh oo ay Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya.

0

Qeybo kamid ah dalka Kenya waxaa wali ka socda rabshado iyo weeraro ay geysanayaan kooxo hubeysan, kuwaas oo geysanaya khasaare naf iyo maalba leh.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa rabshado iyo iska hor-imaadyo horleh ay ka dhaceen xadka u dhexeeya ismaamulka Kisii iyo iyo mandiqadda Transmara oo katirsan ismaamulka Narok ee gudaha dalka Kenya.

Ugu yaraan laba ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen iska hor-imaadkaan oo u dhexeeyay bulshooyinka ku dhaqan labadaas gobol, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in tobannaan ruux ay ku dhaawacmeen dagaallada.

Waxaa intaa dheer oo ku burburiyay tiro gaadiid ah lana gubay dhul-beereedyo badan, iyadoo ay sii xoogeysteen xiisadaha ka taagan deegaanka ee u dhaxeeya dadka Keenyaanka ah.

Tani ayaa waxay sidoo kale sababtay cabsi joogta ah oo soo food saartay dadka deegaanka, iyadoo ay hakad galeen isku socodka gaadiidka, sidoo kalana ay xirmeen ganacsiyada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada.

Dowladda Kenya oo isku dayday iney xal ka gaarto dhibaatooyinkaan ayaa ku fashilantay kulamo ay la qaadatay dadka deegaanka, waxaana in markale ay dagaallo dhacaan ay muujineysaa in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso.

Leave A Reply

Your email address will not be published.