Dowladda Itoobiya oo Duqaymo ay Dad Shacab ah ku Dhawacmeen ka Fulisay Gobalka Tigreega.
Xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale sii cakirmaysa, iyada oo gobolka Tigray iyo deegaannada ku dhow xuduudaha ay wadaagaan Amxaarada iyo Tigray ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo militari iyo iska horimaadyo goos-goos ah. Xiisadda ayaa gaartay heer cusub kadib markii ciidamada cirka Itoobiya ay laba duqeyn oo xiriir ah ka fuliyeen meelo ka tirsan gobolka Tigrayga, gaar ahaan agagaarka caasimadda gobolka ee Maqalle.
Duqeyntii ugu horreysay ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaanka Dandera, oo qiyaastii 15 kiiloomitir u jira Maqalle. Sarkaal ka tirsan TPLF oo la hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in weerarka lagu dhaawacay dad rayid ah oo beeraley ah oo ku dhowaa goobta uu weerarku ka dhacay.
Gelinkii dambe ee isla shalay ayaa la soo sheegay duqeyn labaad oo ka dhacday gobalka Tigrayga. Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dhammaystiran oo laga helay khasaaraha ka dhashay weerarkan labaad, iyadoo dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah uga hadlin labada duqeyn, halka TPLF-na aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo faahfaahsan, hase ahaa saraakiil u hadlayaa sheegay in duqayntaas lagu dhaawacay dad beeraley ah.
Weeraradan ayaa noqonaya qayb ka mid ah duqeymo isdaba joog ah oo ciidamada cirka Itoobiya ay fuliyeen muddooyinkii u dambeeyay, xilli xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo TPLF ay dib usoo cusboonaatay. Muddo ku dhow laba toddobaad, dowladda Itoobiya waxay ka gaabsatay inay si faahfaahsan uga hadasho xaaladda militari ee ka taagan waqooyiga dalka, halkaas oo lasoo sheegayo in looga taagroonaaday ciidanka Abiy Axmed.
Su’aasha ugu weyn ayaa hadda ah halka ay xaaladdani ku dambayn doonto: ma ku ekaan doontaa duqeymo iyo dagaal xaddidan oo cirka ah, mise waxay isu beddeli doontaa dagaal dhulka ah oo ballaaran? Jawaabta su’aashaas ayaa si weyn u saameyn karta mustaqbalka amniga waqooyiga Itoobiya iyo xiriirka u dhexeeya TPLF iyo Dowladda Xabashida Itoobiya.
Xiligan ayaa aad uga duwan dagaaladii horay uga dhacay gobalka Tigreega, wuxuuna dagaalkani kusoo beegmayaa, iyada oo ay Tigreegu helayaan taageero dhinacyo kala duwan ah, Eratariya ayaa hubaynaysa jabhadaha Itoobiya, halka ay TPLF heshiis is garabsiya ay la gashay jabhadaha kale sida Amxaarad.