Kooxda Xuutiyiinta oo Duqeymo La Beegsaday Markab Xamuul ah oo Marayay Xeebaha Dalka Yemen.

0

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay inay duqeymo la beegsadeen markab xamuul ah oo marayay biyaha ku dhow xeebaha galbeed ee Yemen, wuxuuna markabkan ku sugnaa meel qiyaastii 40 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta magaalada Al-Mukha ee dalka Yaman.

Hay’ad laga leeyahay Ingiriiska oo qaabilsan la socodka maraakiibta ayaa Sheegtay, in markabka ay ku dhaceen dhowr madfac, taasoo sababtay inuu waxyeello soo gaaro, hase ahaatee ma aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarrada ay ka wadaan xeebaha Yemen iyo agagaarka marinka istiraatiijiga ah ee Bab Al-Mandab, kaas oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee caalamka.

Weerarkan ayaa sidoo kale imaanaya xilli dekedda Al-Mukha ay dhawaan hakisay howlaheedii ganacsi iyo kuwa badeed, kadib weerarro gantaallo ah oo ay Xuutiyiintu ka fuliyeen dekedaas, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur dhaqaale oo lagu qiyaasay malaayiin dollar.

Sucuudiga ayaa xoojinaya isbahaysigiisa ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo shacabka Yaman, halka Xuutiyiinta laftoodu ay xoogga saarayaan sidii ay u fashililn lahaayeen isbahysigaas, maalmihii u dambeeyay waxaa maamulka reer Aala Sucuud la gaarsiiyay khasaare culus, kadib markii la beegsaday markab ciidan oo ay

Leave A Reply

Your email address will not be published.