Itoobiya oo Dalkeeda ku Darsatay Mid Kamida Magaalooyinka ugu Caansan Dhulka Soomaali Galbeed.

0

Shir saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa lagu go’aamiyay, in magaalada Diridhaba aysan ka tirsaneen dhulka Soomaali galbeed, taas badalkeedana ay tahay magaalo ay leedahaya Xabashida.

Itoobiya ayaa sheegtay, in magaalada Diridhaba ee dhulka Soomaali galbeed ay u samaynayso maamul u gooni ah oo si toos ah u hoostagaya Dowladda Fedaraalka ee uu majaraha u hayo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Xubnaha ku shiray Adis Ababa waxaa kamid ahaa Soomaali ay soo barbaarsatay Itoobiya, kuwaas oo madasha ka sheegay, in ay qalinka ku duugeen, in magaalada Diridhaba ee dhulka Soomaali Galbeed la siiyo Xabashida. COD

Magaalada Diridhaba ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxaa sanooyinkii ugu danbeeyay lagu beeray Nasaarada Xabashishiada Itoobiya, halka Soomaalida magaalada deganaydna la saaray cadaadis sabab u noqday inay intooda badan u guuraan magaalooyin kale oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee gumaysiga ku Jira.

Sidoo kale, madaxdii Itoobiya kaalka aheyd ee soo maray xukunka magaalada Diridhaba ayay xoguhu tibaaxayaan, inay bixiyeen dhul badan oo lagu deegaameeyey Xabashida, taas oo gogal xaar u aheyd ayaa la leeyahay in Soomaalida laga fara-maroojiya magaalada.

Inkasta oo guud ahaan dhulka Soomaali Galbeed uu ku jira gumaysiga Itoobiya, haddana maamulka Adis Ababa ayaa sanooyinkii danbe si tartiib-tartiib ah dhulkaas uga sifaynayay Soomaalida, taas oo u eg ama lamid ah qaabkii ay Yahuudda kula wareegtay Falastiin.

Leave A Reply

Your email address will not be published.