Ku Dhawaad 100,000 oo Yahuud ah oo Sannad Walba ka Qaxda Dhulka Laheysto ee Falastiin.
Diraasad cusub oo ay diyaariyeen baarayaal katirsan jaamacadda Yahuudda ee Tel-Aviv oo soo xiganeysa xafiiska tirakoobyada Sahaayinada ayaa daaha feyday, koror aan horay loo arag oo ku aaddan qaxa ay Yahuuddu ka sameynayaan dhulka ay xoogga uga heystaan Muslimiinta Falastiin.
Diraasadda ayaa sheegtay in ku dhawaad 270,000 oo Yahuud ah ay isaga qaxeen dhulka Muslimiinta intii u dhaxeysay sanadihii 2023, 2024 iyo 2025, waana tirakoobkii ugu badnaa ee lasoo diiwaan-galiyo sanadihii ugu dambeeyay.
Waxay sidoo kale xustay in saddex bilood oo xiriir ah oo qeyb ka ahaa sannadkii 2025 oo kaliya ay Yahuud gaareysa 90922 ka barakceen dhulalka Muslimiinta, halka sannadkii 2024 ay dhulkaasi ka carareen 91499 Sahaayino ah.
Baarlamaanka Yahuudda ayaa billaabay inuu ka digo firxadka ay Sahaayinadu sameyneyso, waxaana xubin katirsan qolayaha diyaariyay diraasaddaan uu sheegay, in tani ay halis weyn galineyso mustaqbalka dhaqaale iyo kan amni ee Yahuudda.