Markab oo Lagu Weeraray Marinka Hormuz.
Hey’adda Howlgallada Badaha ee dalka Ingiriiska ayaa waxay shaaca ka qaaday, in gantaal aan la aqoonsan halka laga soo tuuray lala beegsaday markab marayay marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Markabka ayay sheegtay inuu ahaa mid shidaal, waxaana la beegsaday xilli uu marayay meel 9 meyl kaga beegan xeebta magaalada Shiisah ee dalka Cummaan.
Waxay hey’addu intaas ku dartay in ay waxyeello soo gaartay qeybta matoorka ee markabka, illaa iyo haddana lama hayo tafaasiil rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaan.