Maxkamad ku Taalla Mareykanka oo Banneysay in Gudaha Dalkaas Laga soo Musaafuriyo in ka Badan 1,000 Soomaali ah.

0

Iyadoo tan iyo markii uu Donald Trump dib ugu soo laabtay xilka madaxtinimada Mareykanka uu sare u kacay naceybka uu maamulkiisa uqabo Soomaalida, ayaa waxaa maxkamad ku taalla dalkaas ay banneysay in Soomaali badan laga soo musaafuriyo Mareykanka.

Maxkamaddaan ayaa taageertay qorshe uu maamulka Donald Trump kusoo musaafurinayo 1,100 Qof oo Soomaali ah, taas oo qeyb ka ah olalaha uu maamulkaan kula dagaallamayo Soomaalida.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii la joojiyay nidaam kumeel gaar ah oo Soomaalida u saamaxayay iney dalkaasi ku noolaadaan kana shaqeystaan iyagoo aan la kulmeen wax musaafurin ah.

Balse waxaa nidaamkaan la sheegay in uu si rasmi ah u dhamaaday 14 bishaan August, kaas oo Soomaalida ka ilaaninayay musaafurinta.

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayaa waxaa si ku meel gaar ah loo hakiyay musaafurinta dadka Soomaalida ah, hasa yeeshee waxaa hadda muuqata in ay dib usoo laabatay, iyadoo nidaamkaan la sheegay inuu salka ku hayo siyaasadda adag ee Mareykanka iyo naceybka ay uqabaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Mareykanka ay howlgallo xooggan ka sameysay gobalka Minasota ee ay Soomaalidu ku badan yihiin, halkaas oo laga qafaashay dad badan oo Soomaali ah, Washingtonna ay si rasmi ah u sheegtay in Soomaalida aan laga rabin Mareykanka dibna ugu laabtaan dalkooda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.