Saraakiil iyo Ciidamo ka Tirsanaa Maamulka Soomaaliland oo Ugoostay Dhanka Maamulka Waqooyi Barri.
Wararka ka imaanyo gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya, ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsanaa maamulka la baxay Soomaaliland ay u goosteen dhanka maamulka la baxay Waqooyi Bari.
Cidamadaan U soo wareegay dhanka Maamulka la baxay Waqooyi Bari ayaa waxa ay ku sugnaayeen degaan lagu magcaabo Yubbe oo ka tirsan goboka Sanaag, waxaana hogaaminayay Sargaal magaciisa lagu sheegey Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato).
Deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag oo uu ka arimiyo maamulka la baxay Waqooyi bari ayaa lagu soo bandhigay ciidankaan iyo gaadiid ay wateen oo ay kala soo goosteen maamulka la baxay Soomaaliland.
Sargaalkii hogaaminayay ciidamada ka soo goostay maamulka la baxay soomaaliland, ayaa waxa uu sheegey in ay jiraan ciidamo badan oo kusugan gudaha degaanada maamulka la baxay Soomaaliland, isagoona tilmaamay in ay dhamaatooda uso waregayaan dhanka maamulk Dawlada Fdaraalka taabacsan ee la baxay Waqooyi Bari .
Dhawaan ayee aheed markii ciidamo ka tirsanaa maamulka la baxay Waqooyi bari ay u goosteen dhanka maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana ay middaan ku soo aadeysaa iyadoo xaaladda amni iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeso maamulada la baxay Soomaaliland iyo Waqooyi bari ay sii xumaaneso, isla markaan uu midkooda kankale ku eedeenayo falal amni daro ah.