Yoweri Museveni oo DF Ugu Hanjabay in uu Ciidankiisa La Bixi Doono Hadii aysan Xalin Khilaafaadka ka Dhaxeeya.

0

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sii kordhinaya cadaadiska uu ku hayo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa. Museveni ayaa walaac ka muujinaya awoodda xukumada Xassan Sheekh ay u leedahay inay xakameyso khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhaxeeya mucaaradkiisa.

Warbixin ay soo saartay Ha’adda (Africa Intelligence) ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Uganda uu joogitaanka ciidamadiisa u adeegsanayo cadaadis ku aadan Xassan Sheekh.

Hay’adan ayaa soo xigatay, hadal kasoo baxay Yuweeri Musafani, kaas oo ugu goodiyay Xassan Sheekh in uu ciidankiisa kala bixi doono Soomaaliya, hadii uusan heshiis la galin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda maamulkiisa.

Yuweeri Museveni ayaa si gaar ah uga cabsi qabaa in khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda ay meesha ka saaraan iskuday kasta oo ay kula wareegi karaan masiirka amnigooda, ayna ka faa’idaystaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Farriinta ka muuqata warbixintan ayaa muujinaysa heerka uu gaaray guusta ay Ciidamada shisheeye ka joogaan khilaafaadka Dowladda Fedaraalka, xili ay meesha kasii baxayso taageeradii ay duulaanka AUSSOM ka heli jireen wadamada reer Galbeedka.

Hadalkan ayaa daba socda handadaad tan lamid ah oo Xassan Sheekh loogu gaystay intii uu ku sugnaa shir ka dhacay magaalada Kampaala ee dalka Ugandha, halkaas oo looga arinsanayay xal u helida qarshadaadka gabaabsiga ka ah duulaanka Ciidamada shisheeye.

Madaxwaynaha Ugandha ayaa horay u sheegay, in u jeedka ay Soomaaliya u jeegeen ay ahayd la dagaallanka diinta Islaamka iyo taageero ay siinayen ciidamadii Itoobiya ee lagu jabiayy Soomaaliya xiligii ay duulaanka ku qabsanayeen magaalada Muqdisho.

Hadalkan goodiga ah ee uu Musafani u jeediyay Dowladda Fedaraalka ayaa laga dareemayaa cabsida sii xoogaysanaysa ee wadamada duulaanka ku jooga Soomaaliya ay ka qabaan in Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, taas oo waxkama jiraan ka dhigaysa dhiigii iyo dhaqaalihii ay wadamada Kiristaanka ah ku bixinayeen Soomaaliya Labaatankii Sano ee lasoo dhaafay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.