Ku Dhawaad 40 Ruux oo u Geeriyooday Sababo La Xiriira Abaaro ku Dhuftay Waqooyiga Itoobiya.

0

Abaara xooggan oo galaaftay noolasha dad iyo duunya ayaa laga soo sheegayaa qeybo kamid Gobalka Amxaarada ee dhaca Waqooyiga dalka Itoobiya, sida ay ku waramayaan warbaahinnada caalamka iyo kuwa gobalka.

Mid kamid ah masuuliyiinta gobalka Amhara ayaa warbaahinta DW Amharic u sheegay, in tan iyo bishii Juun ee lasoo dhaafay ay 35 qof u dhinteen cunto yaraan iyo cudurro ka dhashay abaare xooggan oo ku dhuftay Waqooyiga gobalka Gondar ee deegaannada Amxaarada.

Masuulkaas ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in tiro ka badan 14 kun oo neef ay ilaa hadda u dhinteen abaarta awgeed, wuxuuna sharraxay inay maamulka gobolka u sheegeen darnaanta xaaladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in barakac ay samaynayaan dadka ay abaartu saameysay ee ku nool waqooyiga gobalka Gondar, iyadoo xaaladda deegaannadaasi ay masuuliyiinta gobalka ku tilmaameen mid aad u cakiran.

Abaaraha ayaa mudooyinkan danbe kusoo laablaabanayay dalalka qaaraddda Afrika taas oo ay ugu wacan tahay yaraanta xilli roobaadyada dalalkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.