Itoobiya iyo Eratariya oo Dagaal Qarka u Saaran.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa la sheegay in ciidamadeeda qalabka sida iyo kuwa lugta u daabulayso xadka ay la wadaagto Eratariya, taasoo dhalisay cabsi laga qabo isku dhac suurtagal ah.
Abaabulkan ciidan ayaa yimid kadib markii Itoobiya ay Eratariya u qabatay muddo kama dambays ah oo ay kaga dalbanayso inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Tigray.
Xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Tigray sanadkii 2022. Iyadoo Itoobiya doonaysa inay hesho dekad ku taal badda Cas, taasoo walaac ku abuurtay Eratariya.
Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay, inay arkeen gawaari Millatari oo Itoobiyaan ah oo ku wajahnaa dhanka xadka ay la wadaagto Eretriya.
Waxa kale oo jira warar sheegaya, in ciidamo aad u tiro badan laga soo saaray qaybo kale oo Itoobiya ka mid ah si ay ugu biiraan abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Asmara.
Caddeymo dadweyne, sawiro iyo warar la xaqiijin karo ayaa muujinaya abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah.
Ciidanka Difaaca Itoobiya ayaa lasoo weriyey, in sidoo kale xubnihii hore ee militariga ay ugu baaqeen inay dib isku soo xaadiriyaan, kuna soo biiraan ciidanka.
Jabhadda TPLF ayaa walaac ka muujisay in dawladda federaalka Itoobiya ay isku diyaarinayso dagaal, waxayna ugu baaqday Midowga Afrika inay soo farageliyaan arrimahan.